XIGASHO LAACIB.NET
Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Spain, Lamine Yamal, ayaa dhowaan soo jiitay indhaha caalamka ka dib markii uu booqasho ku tagay masaajidka weyn ee Sheikh Zayed Grand Mosque ee magaalada Abu Dhabi.
Yamal oo 18 jir ah, ayaa ka hadlay dareenkiisa ku aaddan nabadda iyo xasilloonida uu ka helay masaajidka, isagoo yiri: “Masaajidku wuxuu qofka siiyaa nabad weyn. Diin kasta oo aad ka tirsan tahay, markaad halkaas tagto waxaad dareemaysaa nabad, laakiin annaga oo Muslimiin ah, nabaddani waa mid aad gaar noogu ah.”
Booqashadan oo dhacday horaantii bishan January 2026, ayaa qayb ka ah fasax kooban oo uu xiddigu ku qaatay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta. Lamine Yamal marnaba ma qarin diintiisa Islaamka, isagoo inta badan lagu arko isagoo gacmaha kor u taagaya oo duceysanaya ka hor inta aysan bilaaban ciyaaruhu.
Sidoo kale, xilli-ciyaareedkii hore ee 2025, wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Muslim ah ee isagoo sooman u ciyaara xulka Spain intii lagu guda jiray bisha barakaysan ee Ramadaan, isagoo taageero iyo qorshe cunto oo gaar ah ka helay dhakhaatiirta kooxda Barcelona.
Xiriirka uu la leeyahay diintiisa ayaa u muuqda mid siisa xasillooni maskaxeed, xilli uu wajahayo cadaadis weyn oo kaga imaanaya caalamka maadaama loo arko mid ka mid ah xiddigaha ugu mustaqbalka wanaagsan kubadda cagta adduunka ka dib markii uu kooxdiisa Barcelona kula guuleystay saddex koob (treble) xilli-ciyaareedkii hore.
XIGASHO LAACIB.NET
