HomeCiyaarahaLamine Yamal:”Haddii aan difaac ahaan lahaa, waxaan weeraryahannada iga soo horjeeda ku...

Lamine Yamal:”Haddii aan difaac ahaan lahaa, waxaan weeraryahannada iga soo horjeeda ku oran lahaa………”

XIGASHO LAACIB.NET

Xiddiga da’da yar ee Barcelona, Lamine Yamal, ayaa wareysi xiiso leh siiyay CBS News, isagoo ka hadlay horumarkiisa ciyaareed iyo sida uu u maareeyo canaanta iyo guusha isagoo weli 18 sano jir ah.

Intii lagu jiray wareysiga, su’aalo ayaa laga weydiiyay hab-dhaqan kiisa ciyaareed iyo sida uu si fudud uga adkaado difaacyada waaweyn marka uu hal ka hal uga hor yimaado.

Jon Wertheim: “Adigu waxaad tahay dhallinyaro, difaacyada qaarna 10 ama 15 sano ayay kaa ween yihiin, caruur bay guryaha ku hayataan, adiguse wali waxaa waxay kuu tahay howl iska baashaal ah.”

Lamine Yamal: “Haddii aan anigu ahaan lahaa difaac, ma jeclaan lahayn in ciyaaryahan iga fiican uu mar kasta i daba maro. Waxaan oran lahaa, ‘fadlan iga yara wareeji,’ haddii kale saaxiibbaday way igu maadsanayaan.”

Yamal ayaa muujiyay inuu weli yahay mid is-dejiya, oo leh dareen ciyaareed iyo qosol isku dhafan, xilli uu durba noqday mid kamid ah ciyaartoyda ugu hibada badan adduunka.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -