Tababaraha kooxda Chelsea, Liam Rosenior, ayaa sheegay in saxiix kasta oo ay kooxdu sameyso bishan Janaayo uu noqon doono mid si taxadar leh looga fiirsaday, iyadoo bartilmaameedku yahay xiddig si dhab ah wax ugu soo kordhin kara isku-duubnida kooxda.
Rosenior ayaa hadalkan bixiyay ka hor safarka ay Axadda ugu ambabaxayaan kooxda Crystal Palace, isagoo carrabka ku adkeeyay inuusan doonayn ciyaartoy khalkhal geliya jawiga wanaagsan ee kooxda ka dhex dhismaaya.
Chelsea ayaa hadda wajaheysa yaraanta dhanka khadka dhexe ka dib markii ay dhaawacyo soo gaareen xiddigaha da’da yar ee Dario Essugo iyo Romeo Lavia:
Dario Essugo: Wuxuu wajahay dhibaato kale ka dib markii uu ku dhaawac may tababarka, waxaana la xaqiijiyay inuu garoomada ka maqnaan doono ugu yaraan muddo bil ah (ilaa dhammaadka Febraayo).
Romeo Lavia: Wali wuxuu la dhibtoonayaa dhaawac muruqa bowdada ah (thigh injury) oo soo gaaray bishii November, inkasta oo la sheegay inuu hadda bilaabay soo kabsasho wanaagsan.
Luiz ayaan helin waqti ciyaareed ku filan tan iyo markii uu Sean Dyche la wareegay tababarka Forest, waxaana jira warar sheegaya in Chelsea ay doonayso inay amaah ku qaadato lixda bilood ee ka dhiman xilli ciyaareedka si uu khibrad ugu soo kordhiyo safka da’da yar ee Blues.
XIGASHO LAACIB.NET

