XIGASHO LAACIB.NET
Tababaraha cusub ee kooxda Chelsea, Liam Rosenior, ayaa xaqiijiyay inuu qorsheynayo inuu Axel Disasi dib ugu soo celiyo kooxda koowaad ee Chelsea, isagoo ka dhigaya qayb muhiim ah oo ka mid ah safkiisa.
Si kastaba ha ahaatee, daafaca u dhashay dalka Faransiiska ayaa u baahan doona waqti uu dib ugu helo taam-ahaanshihiisa ciyaareed, ka dib markii uu qeybtii hore ee xilli ciyaareedka oo dhan ku qaatay meel ka baxsan tababarka kooxda koowaad.
“Go’aankeyga ku aaddan Axel, waxaan la qaatay kulan aad u wanaagsan dhowr maalmood ka hor,” ayuu Rosenior ka sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay.
“Wuxuu ahaa wadahadal aad u wanaagsan. Waxaan u bartay isaga si aad iyo aad u fiican. Waxay ahayd tillaabo sax ah inuu dib ugu soo laabto kooxda. Sababtoo ah xaaladdii uu ku jiray, wuxuu ka dambeeyaa dhanka taam-ahaanshaha ciyaareed, waxaana sii wadi doonnaa inaan si adag ula shaqeyno si uu ula jaanqaado xawaaraha kooxda.”
XIGASHO LAACIB.NET
