Wararka ka imaanaya Magaalada Hargaysa ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Soomaaliland ay toogteen Libaax xalay ka baxsaday beer xayawaannada lagu xannaaneeyo oo ku taalla magaalada Hargeysa.

Taliska Booliiiska Somaliland ayaa sheegay in saakay aroor hore ay toogteen, kadib markii Xalay uu galay Kaymo aad u wayn oo ku taala duleedka Hargaysa.

Cali Waracadde, oo lahaa beerta lagu xanaaneynayay libaaxyada ayaa saxaafada u sheegay in “wiil xanaaneynayay uu albaabka furay si uu u quudiyo, ka dibna ay ku soo boodeen, albaabkana ka bexeen”.

Sida uu xaqiijiyay wiilkaa ayaa dhaawacmay. “Maysan cunin balse way isku tuur-tuureen. mana aysan cidiyeyn. Xoogaa wuu yara burburay.

Sidoo kale Xilli uu da’ayay roob, ayaa Libaaxayadu ka baxsadeen beerta, ka dib waxaa la soo saaray digniinaha loo jeedinayay dadweynaha magaalada Hargeysa oo loogu sheegayay in ay taxadaraan.

Libaaxyada baxasaday oo markii hore ahaa laba, waxaa la qabtay mid ka mid ah ka dib markii shaqaalaha beerta ay ku guuleysteen in ay xakameeyaan.

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here