Liiska Wadamada Ugu awooda badan dhinaca Milatariga oo la shaaciyay

0

Sanad walbo waxaa lasoo bandhigaa liiska Wadamada ugu awooda badan dhinaca milatariga, waxaana inta badan lagu qiimeeyaa awooda milatariga dhinaca hubka, tirada iyo sidoo kale dhaqaalaha lagu bixiyo ciidankaasi.

Wargeyska Global Firepower, ayaa sanad kasta soo bandhiga qiimeynta 138-wadan ee ugu awooda badan ee dhinaca milatariga, waxaana inta badan isbadal ku imaan shanta wadan ee ugu horeeya dhanka milatariga.

Dowladaha Mareykanka, Ruushka, Shiinaha iyo Hindiya ayaa safka hore kaga jira wadamada ugu awooda badan milatariga, wadamadan ayaana sanad kasta hogaamiya wadamada ugu awooda badan milatariga.

Turkiga oo kamid ahaa sanadihii ugu dambeeyay 10-ka wadan ee ugu awooda badan dhinaca milatariga ayaa sanadkan hoos ugu dhacay kaalinta 11-aad, waxaana sanadkan 10-ka wadan ee ugu awooda badan milatariga soo gashay dowlada Masar.

Milatariga Sacuudiga ayaa sidoo kale sanadkan ka sara maray milatariga Isra’il oo horey uga horeeyay,  waxaana milatariga Sacuudiga sanadkan soo galay kaalinta 17-aad halka Israa’il gashay 18-aad.

Soomaaliya oo dib u dhis ku wada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa qiimeynta sanadkan kasoo gashay kaalinta 136, waxa ayna Soomaaliya dhinaca milatariga uga saro martay wadamada  Liberia iyo Bhutan.

Halkan ka Akhriso 25-ka wadan ee ugu awooda badan dhinaca Milatariga Caalamka

  • 1- Mareykanka
  • 2- Ruushka
  • 3- Shiinaha
  • 4 Hindiya
  • 5- Japan
  • 6- Kuuriyada Koonfureed
  • 7- Faransiiska
  • 8- Ingiriiska
  • 9- Masar
  • 10- Brazil
  • 11- Turkiga
  • 12- Talyaaniga
  • 13-Jarmalka
  • 14-Iiraan
  • 15- Pakistan
  • 16- Indonesia
  • 17- Sacuudi Carabiya
  • 18-Israa’iil
  • 19- Australia
  • 20- Spain
  • 21- Poland
  • 22- Vietnam
  • 23- Thailand
  • 24- Canada
  • 25- Kuuriyada Waqooyi
Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here