HomeCiyaarahaLiiska xiddigaha u tartamaya xiddiga ugu fiican sanadka oo la soo saaray

Liiska xiddigaha u tartamaya xiddiga ugu fiican sanadka oo la soo saaray

XIGASHO KOOXDA.COMXiddigaha Arsenal ee Declan Rice, David Raya iyo Gabriel Magalhaes ayaa ka mid ah ciyaartoyda Premier League ee ku tartamaya abaalmarinta Xiddiga Xilli Ciyaareedka Premier League ee 2025/26.

Saddexdan ciyaaryahan ayaa door weyn ka qaatay xilli ciyaareedka adag ee Arsenal ee horyaalka, iyadoo kooxda Mikel Arteta ay wali kula jirto tartan adag Manchester City hanashada koobka Premier League.

Arsenal ayaa ku raaxeysaneysa xilli ciyaareed cajiib ah, waxaana suuragal ah in toddobaadyada soo socda loo caleemo saaro horyaalka.

Kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta ayaa hadda labo dhibcood ku hoggaamineysa kala sarreynta Premier League.

Qaar badan oo ka mid ah ciyaartoyda Arsenal ayaa si weyn u iftiimay xilli ciyaareedkan, waxaana hadda loo magacaabay abaalmarin weyn.

Premier League ayaa xaqiijisay in khadka dhexe ee xulka England Declan Rice loo magacaabay tartanka Xiddiga Xilli Ciyaareedka, kadib markii uu dhaliyay afar gool isla markaana bixiyay toddobo caawin 35 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan.

Declan Rice wuxuu tartan adag kala kulmi doonaa saaxiibbadiis David Raya iyo Gabriel Magalhaes, kuwaas oo sameeyay rikoor difaac oo cajiib ah oo ay la gaareen Arsenal.

Goolhayaha reer Spain ee Raya ayaa sameeyay 18 clean sheets 36 kulan oo uu ciyaaray, wuxuuna durba xaqiijistay abaalmarinta Golden Glove.

Shaki la’aan waxaa si weyn uga caawiyay daafaca reer Brazil Gabriel, kaas oo si heer sare ah uga ciyaaray daafaca dambe ee Gunners-ka, isagoo sidoo kale dhaliyay saddex gool.

La yaab ma leh in tartamayaasha horyaalka ee Manchester City, Erling Haaland, uu ka mid yahay ciyaartoyda loo magacaabay abaalmarinta, kadib markii uu dhaliyay 26 gool xilli ciyaareedkan.

Weeraryahanka reer Norway waxaa ku wehlinaya saaxiibkiisa City ee Antoine Semenyo. Semenyo ayaa dhaliyay 16 gool horyaalka, isagoo hore ugu ciyaaray AFC Bournemouth ka hor intii aanu bishii January u wareegin Manchester City.

XIGASHO KOOXDA.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -