In uu Lionel Messi ka mid yahay kooxda ayaa Argentina u ah “faa’iido khaas ah” oo ay dheertahay xulka Croatia marka ay caawa isku arkaan ciyaarta Semi Final-ka ee Koobka Adduunka, sida uu sheegay daafaca Argentina ee lagu magacaabo Nicolas Tagliafico.

Guushii ay Argentina Talaaladii ugu soo gudubtay nus dhammaadka tartanka Kubbadda Cagta ee ugu weyn caalamka ayaa ku timid dhiirrigelin uu wato Messi, maadaama uu weeraryahankan ilaa hadda dhaliyay afar gool oo ka mid ah sagaalka gool ee ay dhaliyeen guud ahaan. Labo jeer oo kale ayuu Messi caawin u sameeyay goolal.

“Mar walba sidan ayuu ahaa,” ayuu yiri daafaca garabka bidix ee kooxda PSG, Tagliafico.

“Annaga waxa uu noo yahay kabtan iyo hoggaamiyaheenna. Waa qofka nagu riixa horumarka naguna dhiirrigeliya ciyaarta,” ayuu sii raaciyay.

 

Office Nairobi Kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here