XIGASHO LAACIB.NET
Weeraryahanka Inter Miami, Lionel Messi, ayaa laba gool dhaliyay kulankii horyaalka ee ay kooxdiisu 4–0 kaga badisay New York City, taas oo ka dhigtay inuu mar kale hoggaanka u qabto tartanka gooldhalinta Major League Soccer (MLS).
Xiddiga reer Argentina ayaa haatan leh 24 gool 23 kulan uu ciyaaray xilli ciyaareedkan. Messi ayaa markale hoggaanka u haya liiska gooldhalinta, isagoo ka sarreeya weeraryahanka Los Angeles Denis Bouanga, kaas oo leh 22 gool kadib saddexleydii uu ka dhaliyay Real Salt Lake (4–1). Bouanga ayaa ciyaaray 28 kulan.
Kaalinta saddexaad waxaa ku jira weeraryahanka Nashville, Sam Surridge, oo dhaliyay 21 gool 31 kulan.
Messi ayaa guud ahaan urursaday 38 dhibcood (24 gool + 14 caawin) kaliya 23 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkan MLS.
XIGASHO LAACIB.NET
