XIGASHO LAACIB.NET
Kabtanka xulka Argentina iyo kooxda Inter Miami, Lionel Messi, ayaa si rasmi ah u dhamaystiray heshiis uu boqolkiiba boqol (100%) ku iibsaday kooxda UE Cornellà oo ka ciyaarta heerka afaraad ee dalka Spain (Tercera RFEF).
Xiddigan ku guuleystay siddeedda Ballon d’Or ayaa hadda noqday milkiilaha rasmiga ah ee kooxdan fadhigeedu yahay gobolka Catalonia, isagoo markale dib u soo nooleeyay xiriirkii adkaa ee uu la lahaa deegaankaas uu kusoo barbaaray.
Kooxda UE Cornellà ayaa hadda ku jirta kaalinta saddexaad ee Group-ka 5-aad ee haryaalaka Tercera RFEF, iyadoo shan dhibcood ka dambeysa kooxda hoggaanka u heysa ee Manresa. Maadaama ay kooxdu horey u xaqiijisatay booska loogu soo gudbo ciyaaraha kala baxa (play-offs), hadafka Messi ayaa ah inuu kooxda kor ugu soo qaado heerarka sare ee kubbadda cagta Spain isagoo maalgelin weyn ku sameynaya akadeemiyada kooxda.
XIGASHO LAACIB.NET
