HomeCiyaarahaLionel Messi oo jebiyay rikoodh weyn oo uu Ronaldo horay u heystay

Lionel Messi oo jebiyay rikoodh weyn oo uu Ronaldo horay u heystay

XIGASHO LAACIB.NET

Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa noqday ciyaaryahanka dhaliyay goolasha ugu badan ee aan rigoorooyin ku jirin taariikhda kubadda cagta, isagoo ka sare maray Cristiano Ronaldo.

Messi ayaa labo gool ka dhaliyay guushii weynayd ee ay kooxdiisa Inter Miami ka gaartay New York Red Bulls (5-1) kulan ka tirsan Major League Soccer (MLS), taasoo ka dhigtay goolashiisa aan rigoorada laheyn 764.

Rekoodhkaas wuxuu kaga hormaray Ronaldo, oo isagu haystay 763 gool oo aan rigoore ahayn.Ronaldo wuxuu dheer yahay Messi 167 kulan.

Messi ayaa xilli ciyaareedkan 2025 si cajiib ah ku billowday MLS, isagoo u dhaliyay 18 gool kana caawiyay 7 kale 18 kulan oo uu u saftay Inter Miami.

Rekoodhkan cusub ayaa mar kale adkeynaya dooda ah in Messi yahay ciyaaryahanka ugu dhamaystiran ee abid soo mara kubadda cagta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -