Weeraryahanka Paris Saint-Germain, Lionel Messi ayaa ku booriyay Barcelona inay lasoo saxiixato garabka hore ee Manchester United, Angel Di Maria ka hor inta uusan soo laaban xagaaga, sida laga soo xigtay El Nacional.
Messi ayaa qarka u saaran inuu ka tago PSG xagaaga, waxaana si weyn loola xiriirinayay inuu ku laabanayo kooxdiisii caruurnimada ee Barcelona.
35 jirkan ayaa doonaya xiddiga ay isku dalka yihiin ee Di Maria ee Barcelona.
Messi iyo Di Maria oo haatan u ciyaara kooxda Juventus ayaa Argentina ka caawiyay in ay ku guulaystaan koobkii aduunka ee FIFA 2022 ee lagu qabtay dalka Qatar waxayna wadaagaan xidhiidh dhow.
Di Maria, ciyaaryahankii hore ee Real Madrid, ayaa dhaliyay sideed gool, waxaana uu caawiyay 7 gool 33 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan Juve.
Qandaraaska uu kula jiro kooxda ka dhisan Serie A ayaa dhamaan doona xagaaga, xiddigii hore ee PSG ayaa lagu heli karaa beeca xorta ah.
Di Maria ayaa horay loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Barcelona xagaagii hore, laakiin wareejintu ma dhicin.
Si kastaba ha ahaatee, weli lama arag haddii madaxweynaha Barcelona Joan Laporta uu aqbali doono codsiga Messi iyo inuu Di Maria keeno Camp Nou xagaagan



