Liverbool oo caawa hogaanka ku qaban karta 16 dhibcood oo nadiifa ka dib Guuldaradii wadajirka ahaa oo galabta ku habsatay kooxaha Chelsea iyo Man UTD oo min 0-1 ay uga kala badiyeen naadiyadii martida u kala ahaa ee Man city iyo Aston villa…

Liverbool ayaa 16 dhibcood oo nadiifa hogaanka ku qaban karta caawa marka ay ka badiyaan kooxda Brainford oo ka timid xili ciyaareedkaan heerka 2.

Libaaxyada liverbool hadii ay badiyaan kulankaan waxa ay keli ku heyn doonaan hogaanka horyaalka ingiriiska 2021-2022 balse hadii laga badiyo ama barbaro la galiyo hogaanka waxaa heyn doonta kooxda Man city ee difaacaneysa horyaalka oo leh 14 dhibcood.

Hadaba mar hadii la wada legday kooxaha Chelsea iyo Man UTD ayna uga kala badiyeen min 0-1 kooxaha martida u ahaa ee Man city iyo Aston villa suaasha la is weydiinayo waza ay tahay fursada hogaanka horyaalka liverbool ma ku keli noqonayaa usbuucaan oo ah meertadii 6 ee wareega hore

 

Man UTD waxaa goolka barbaraha ka lumiyay dhamadkii ciyaarta 18 Bruno Fernandes oo uga ciyaara qadka dhexe in dhashay wadanka Portuqal kaasoo cirka ku tolay rigooradii loo dhigay

9 xulka Brazil iyo naadiga Man city Jesus ayaa goolka guusha u dhaliyay qeybtii danbe ee ciyaarta naadiga Man city

Wariyaha Ciyaarahq Ahmed Uurdoox

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here