XIGASHO LAACIB.NET
Warbixin ay baahisay Sky Sports ayaa sheegaysa in Liverpool ay weli ka go’an tahay inay kooxda kusii hayso Ibrahima Konate haddii labada dhinac ku heshiiyaan shuruudo macquul ah.
Konate wuxuu heshiiskiisu dhacayaa xagaaga dambe, taasoo micnaheedu yahay inuu billaabi karo wada-xaajood uu kula midoobi karo kooxaha shisheeye bisha Janaayo.
Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayaa dhawaan si toos ah ugu wargelisay Liverpool, inaanay damac ku qabin inay la saxiixdaan xiddiga Faransiiska xagaaga dambe marka uu xor noqdo. Taas waxay ka saartay tartanka saxiixiisa.
Liverpool waxay weli rajaynaysaa in la gaaro heshiis cusub oo 26-jirkan ah, balse keliya haddii mushaharka iyo shuruudaha kale ay ku jiraan xadka dhaqaalaha kooxda.
Waxqabadka Konate xilli ciyaareedkan ayaa hoos u dhacay, taas oo laga yaabo inay hoos u dhigto awooddiisa miiska wadahadallada marka la gaaro heshiiska cusub.
XIGASHO LAACIB.NET
