HomeCiyaarahaLiverpool haddii ay ku fashilmato saxiixa Isak: xey beddelkiisa u calaamadeysatay weeraryahan...

Liverpool haddii ay ku fashilmato saxiixa Isak: xey beddelkiisa u calaamadeysatay weeraryahan halis ah

XIGASHO LAACIB.NET

Sida uu ku waramay Sacha Tavolieri, kooxda Liverpool ayaa u calaamadsatay garabka Real Madrid, Rodrygo Goes, bartilmaameedkooda ugu weyn haddii aysan ku guuleysan saxiixa weeraryahanka Newcastle United – Alexander Isak.

Qodobada ugu muhiimsan:

Pini Zahavi, “wakiilka”-ka caanka ah, ayaa door weyn ku leh horumarka Rodrygo oo ku jira liiska Liverpool.

Qiimaha: Real Madrid waxay ku qiimeeyeen 24-jirka ku dhawaad €100 milyan, lacag ay Liverpool diyaar u yihiin inay bixiyaan.

Man City ayaa sidoo kale xiiso xooggan u qabtay Rodrygo xagaagan, balse caqabado gudaha ah ayaa hakiyay qorshahooda, taasoo fursad fiican siinaysa Liverpool.

Waxqabadka Rodrygo:

Xilli ciyaareedkii la soo dhaafay: 50 kulan – 13 gool & 9 caawin.

Xilli ciyaareedkan cusub: wuxuu ciyaaray 63 daqiiqo kulankii guusha 3-0 ee Oviedo.

Haddii Liverpool ay ku adkaato iney hesho Isak, Rodrygo ayaa noqon kara Xiddiga ay Reds ku xoojin karaan weerarka.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -