HomeCiyaarahaLiverpool oo billowday dhaq-dhaqaaq toos ah xilli Isak uu Newcastle ka dalbaday...

Liverpool oo billowday dhaq-dhaqaaq toos ah xilli Isak uu Newcastle ka dalbaday in la iibiyo

XIGASHO LAACIB.NET

Kooxda Liverpool ayaa weli si dhab ah uga shaqeyneysa sidii ay u heli lahayd weeraryahanka Newcastle UnitedAlexander Isak, iyagoo weli ku jira tartanka saxiixiisa xagaagan.

Waxaa la soo wariyay maanta in Isak uu dalbaday in Newcastle ay fasaxdo xagaagan, taasoo keentay in ay sii xoogeystaan wararka la xiriira suurtagalnimada uu ugu wareegi karo Anfield.

Sida uu sheegay khabiirka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Fabrizio Romano, Liverpool ayaa diyaar u ah inay bixiso dalabkii ugu weynaa ee taariikhda kooxda, haddii Newcastle ay ogolaato in Isak la iibiyo.

Reds waxay sii wadaan xiriirka tooska ah oo ay la leeyihiin Newcastle iyo wakiilada Isak, taasoo muujineysa rabitaankooda ah inay si degdeg ah ugu dhaqaaqayaan saxiixa xiddiga haddii fursad ay soo baxdo.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -