XIGASHO LAACIB.NET
Wariye The Athletic ee arrimaha Liverpool, James Pearce, ayaa bixiyay digniin culus oo ku saabsan mustaqbalka Arne Slot.
Pearce ayaa sheegay in milkiilayaasha kooxda, Fenway Sports Group (FSG), ay wali doonayaan inay siiyaan Slot waqti uu wax ku hagaajiyo xilli ciyaareedka dambe. Si kastaba, xaaladdaas ayaa noqon karta mid “aan la sii wadi karin” haddii natiijooyinka liita ay sii socdaan.
Guuldarradii cusleyd ee 4-0 ahayd ee ay kala kulmeen Manchester City ee FA Cup ayaa kordhisay cadaadiska, iyadoo taageerayaashu ay sii kordhiyeen dhaliisha tababaraha.
Pearce wuxuu si gaar ah u tilmaamay dhibaatooyin farsamo:
“Waqtigii kadib nasashada ayaa ahaa midka ugu walaaca badan… Liverpool halkii ay ka fiicnaan lahayd way ka sii dartay, sidoo kale beddelada ayuu ka gaabiyay.”
Ugu dambeyn, wuxuu xaaladda ku soo koobay:
“Champions League khallalan oo aan tartan koob kale ku jirin.”
Tani waxay ka dhigan tahay in kulamada ay la leeyihiin Paris Saint-Germain ee UEFA Champions League ay go’aamin karaan mustaqbalka Slot iyo xilli ciyaareedka Liverpool guud ahaan.
XIGASHO LAACIB.NET
