XIGASHO LAACIB.NET
Mustaqbalka Vinicius Junior ayaa mar kale noqday mowduuc weyn oo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda laga hadal hayo, kadib markii “Fichajes” ay shaacisay in Liverpool ay diyaar u tahay inay soo gudbiso dalab ku dhow €100 milyan si ay u hesho ciyaaryahanka.
Liverpool ayaa u aragta Vinicius beddel ku habboon haddii Mohamed Salah uu xagaaga u dhaqaaqo horyaalka Sucuudiga, iyadoo ujeedadeedu tahay inay dib u dhisto weerarka kooxda.
Vinicius ayaa la sheegay inuu ku jiro xaalad xasaasi ah, kadib markii dhowr jeer la beddelay, taas oo keentay niyad-jab iyo xiisad isaga iyo tababare Xabi Alonso u dhaxeysa. Waxaa toddobo jeer laga saaray 10-kii kulan ee uu ku bilowday.
Wada-hadallada qandaraaska cusub ee Real Madrid, kaas oo socon lahaa ilaa 2027, uma socdaan sidii kooxda ay u rabtay, taas oo sii kordhisay shakiga mustaqbalkiisa.
Liverpool oo kaliya ma aha kooxda daneyneysa; Manchester City iyo Chelsea ayaa sidoo kale xaaladda si dhow u daba socda, halka Real Madrid ay weli ku rajo weyn tahay inay dejiso xiisadda oo ay heshiis cusub ka saxiixdo xiddiga.
XIGASHO LAACIB.NET
