HomeCiyaarahaLiverpool oo durba go’aan ka gaartay cidda buuxineysa booska Mo Salah haddii...

Liverpool oo durba go’aan ka gaartay cidda buuxineysa booska Mo Salah haddii uu tago

XIGASHO LAACIB.NETKooxda Liverpool ayaa lagu soo warramayaa inay si dhow ula socdaan Michael Olise, kaasoo loo arko inuu noqon karo beddelka fog ee Mohamed Salah.

Sida uu qoray saxafiga Lewis Steele, Olise – oo horey ugu soo ciyaaray Crystal Palace balse hadda ku sugan Bayern Munich – ayaa ka mid noqday bartilmaameedyada ugu sarreeya ee Reds mustaqbalka dhow.

Inkasta oo heshiis rasmi ah aan la xaqiijin, haddana xogta hore ayaa muujineysa in Olise uu yahay ciyaaryahan ay Liverpool si dhab ah u doonayso, iyadoo la filayo inay talaabo qaadaan suuqa xagaaga soo socda ama kan ka dambeeya.

Iyadoo mustaqbalka Salah aanu weli caddayn, halyeeyga Masar ayaa laga yaabaa inuu kooxda ka tago sanadaha soo socda. Taasi waxay ka dhigan tahay in Olise – oo leh hal-abuurnimo iyo khibrad Premier League – uu noqon karo xiddig ku habboon weerarka Anfield.

Olise waa magac taageerayaasha iyo suxufiyiintu indhaha ku hayaan, waxaana la sugayaa in haddii Liverpool ay si dhab ah ugu dhaqaaqi doonto saxiixiisa.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -