HomeCiyaarahaLiverpool oo go’aan kasoo saartay dalabyo amaah ah oo loo soo gudbiyay...

Liverpool oo go’aan kasoo saartay dalabyo amaah ah oo loo soo gudbiyay Federico Chiesa

XIGASHO LAACIB.NET

Sida ay baahisay Sky Sports, Federico Chiesa uma dhowa inuu ka tago kooxda Liverpool inta lagu jiro suuqa kala iibsiga ee bishan January. Inkasta oo kooxaha Napoli iyo Juventus ay xiiseynayaan saxiixa garabkan reer Talantaani, gaar ahaan qaab amaah ah, haddana Liverpool ma doonayso inay fasaxdo xiddigan bishan.

Wararka ka soo baxaya Sky Italia ayaa wax yar ka duwan kuwa Sky Sports, iyagoo sheegaya in Liverpool aysan marnaba dhageysan doonin dalabyo amaah ah, balse ay diyaar u yihiin oo kaliya inay kooxaha xiddiga daneynaya ay kala hadlaan iib rasmi ah haddii la helo dalab ku habboon.

Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda Liverpool ma aysan helin wax dalab rasmi ah oo ku aaddan Chiesa, sidoo kale ciyaaryahanka laftiisu ma uusan soo bandhigin codsi uu kaga tagayo Anfield.

Xilli-ciyaareedkan 2025/26, Chiesa wuxuu u saftay Liverpool 20 kulan, balse wuxuu ku soo billowday shaxda koowaad kaliya saddex ciyaarood, iyadoo labo ka mid ah ay ahaayeen tartanka Carabao Cup.

Inkasta oo fursadaha uu helayo ay kooban yihiin, maamulka Reds ayaa weli u aragta inuu yahay xubin muhiim ah oo ka tirsan kooxda inta ka dhiman xilli-ciyaareedka.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -