Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa guul kasoo gaadhay toban ciyaartoy oo Atletico Madrid ah oo ay kaga soo badiyeen 3-2, xilli ay guushii saddexaad ee xidhiidh ah kasoo hooyeen Champions League xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa laba gool oo degdeg ahaa kaga naxsatay Atletico Madrid bilowgii ciyaarta, iyadoo ay si sahlan shabaqeeda usoo taabteen ciyaartooyo aan looga baranin dhalinta goolasha, laakiin waxa kusoo baxay Antoine Griezmann oo laba gool oo darandoori ah ka dhaliyey, ka hor intii aanu ku bixinkaadhka cas.

Daqiiqaddii siddeedaad ee bilowga ciyaarta ayaa kubbad uu Mohamed Salah ku toogtay goolka waxa lugta sii raaciyey James Milner, halkaas ayaanay ku bilaabantay dhalinta goolasha musalsalka ah ee ciyaartu, shan daqiiqadood kaddibna waxa mid kale oo qurux badan ku daray Naby Keita oo kubbad uu bannaanka ka toogtay uu goolhaye Oblak joojin kari waayey ku ruxay shabaqa.

Jurgen Klopp ayaa dabbaal-deg ka bilaabay garoonka halka uu Diego Simeone wajiga hoose u foorariyey, laakiin haddana ma joojin dagaalka lagu yaqaano iyo halganka aan daqiiqadna la hakin.

Antoine Griezmann ayaa kubbad uu Koke kasoo laaday laynka garoonka waxa uu kusii taabtay dhinaca goolka iyadoo kubaddu kasii hoos baxday dersin ciyaartooyo ah, sidaas ayaanay ku dhisantay niyadda Atletico, waxaanu goolkani dhashay daqiiqaddiii 20aad.

GOOOAAALLLLL!!!! Antoine Griezmann!!!! Afar daqiiqadood oo kaliya kaddib ayuu Griezmann kubbad uu kala soo galay dhinaca bidix xilli difaacyahannada Liverpool ay baxsanaayeen uu ula  dhowaaday Alisson oo uu qasab ku dhaafiyey, waxaanay ciyaartu noqotay 2-2.

Saddex fursadood oo halis ah ayay daqiiqadihii xigay la timid Atletico, kuwaas oo haddii ay dhalin lahayd ay waqti hore dhiman lahayd rajada Liverpool.

Joao Felix iyo Griezmann ayaa kubbado la hor tegay goolhaya Alisson oo ka qabtay, halka mid kalena uu goolhayaha reer Brazil usoo degdegay oo uu bannaanka ugu soo baxay kaddibna uu sidaas ku badbaadiyey.

Qaybtii labaad ayay Atletico oo gool raadinaysa, kubadduna iskugu toosan tahay, waxa kaadh cas oo toos ah loo taagay geesiga labada gool u dhaliyey ee Antoine Griezmann oo madaxa ka laaday Roberto Firmino, waxaanay taasi keentay inay diciifto kooxda garoonkeeda joogtay.

Mohamed Salah ayaa sii watay rikoodhkiisa goolasha ee aan joogsiga lahayn xili ciyaareedkan, waxaana uu gool u beddelay rikoodhe loo dhigay Diogo Jota daqiiqaddii 78aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here