XIGASHO LAACIB.NET
Liverpool ayaa gaartay guul muhiim ah kadib markii ay 2-0 kaga adkaatay Brighton kulan ka tirsanaa wareegga 16-aad ee Horyaalka Premier League ee Ingiriiska, kaasoo ka dhacay garoonka Anfield.
Liverpool ayaa hoggaanka qabatay wax ka yar hal daqiiqo, waxaana goolka dhaliyay Hugo Ekitike, kaddib markii kubad uu iska bixiyay ciyaaryahan Brighton ah ay gaartay Gomez, kaasoo madaxa ugu baasay Ekitike oo si xirfad leh ugu hubsaday kubadda geeska sare ee shabaqa.
Mohamed Salah ayaa beddel ku soo galay ciyaarta daqiiqaddii 26-aad kadib markii Joe Gomez uu dhaawacmay.
Daqiiqaddii 61-aad, Liverpool ayaa dhalisay goolkii labaad, markan mar kale waxaa gool dhaliyay Hugo Ekitike, kaddib karoos uu Mohamed Salah kusoo qaaday kubbad gees ah, taasoo Ekitike madaxa ku dhaliyay.
Guushan kadib, Liverpool ayaa gaartay 26 dhibcood, waxayna si ku-meel-gaar ah ugu kacday kaalinta lixaad, halka Brighton ay ku hakatay 23 dhibcood, iyagoo si ku-meel-gaar ah u jooga kaalinta sagaalaad.
XIGASHO LAACIB.NET
Â
