XIGASHO LAACIB.NET
Liverpool ayaa wali rajo ka qabta inay heshiis cusub la gaaraan daafaca Franciis-ka, Ibrahima Konaté, inkastoo Real Madrid ay xiisaynayso, sida laga soo xigtay L’Equipe.
Daafacan 26 jirka ah ayaa ku jira bilooyinka ugu dambeeya ee heshiiskiisii shanta sano ee uu saxiixay sanadkii 2021.
Inkasta oo Konaté uu xilli ciyaareedkan uu ku billowday si aan joogto ahayn, madaxda Liverpool ayaa la sheegay inay qaadayaan tallaabooyin lagama maarmaan ah si uu u sii joogo Anfield, iyadoo la raacayo hab la mid ah heshiisyadii cusbaa ee Virgil van Dijk iyo Mohamed Salah.
L’Equipe waxay sheegtay in Liverpool ay dhowaan soo gudbisay soo-jeedin heshiis cusub oo loo gudbiyay wakiilada Konaté. Kooxdu waxay kalsooni ku qabaan wadaxaajoodka, iyagoo tilmaamaya doorka muhiimka ah ee uu ciyaaryahanku ku leeyahay kooxda Arne Slot, taasoo muujineysa in qorshaha mustaqbalka fog uu ugu jiro kooxda Anfield.
XIGASHO LAACIB.NET
