XIGASHO LAACIB.NET
Kooxda kubadda cagta ee Liverpool ayaa la sheegayaa inay bartilmaameed ka dhiganeyso weeraryahanka reer Argentina ee Paulo Dybala, si uu u buuxiyo booska uu ka baxay Diogo Jota oo geeriyooday kaddib shil baabuur.
Warbixin ay daabacday shabakadda ciyaaraha ee Talyaaniga laga leeyahay, Il Romanista, ayaa lagu sheegay in Liverpool ay xiriir la sameysay wakiillada Dybala, iyadoo ujeedadu tahay inay la soo saxiixato xagaagan.
Dybala, oo 31 jir ah, ayaa haatan u ciyaara kooxda Roma ee ka dhisan caasimadda Talyaaniga. Inkasta oo laacibku uu doonayo inuu sii joogo Roma, haddana kooxda ayaa diyaar u ah inay iibiso sababo la xiriira mushaarka sare ee uu qaato.
Heshiiska uu kula jiro AS Roma ayaa dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedka 2025/26, taasoo ka dhigeysa in si sahlan loo dhameystiri karo heshiis kasta oo la gaaro.
Xilli ciyaareedkii hore, Dybala ayaa Roma u saftay 36 kulan tartamada oo dhan, isagoo dhaliyay 8 gool isla markaana caawiyay 4 kale, taasoo ka dhigtay mid muhiim u ah weerarka kooxda Roma.
Liverpool ayaan weli si rasmi ah u xaqiijin dalabkooda, balse xiriirka lala sameeyay wakiillada Dybala ayaa muujinaya in kooxda Ingiriiska ay si dhab ah u daneyneyso laacibkaas.

