HomeCiyaarahaLiverpool oo kusoo laabatay dhabbadii guulaha, xilli Joe Gomez uu is-muujiyay

Liverpool oo kusoo laabatay dhabbadii guulaha, xilli Joe Gomez uu is-muujiyay

XIGASHO LAACIB.NET

Liverpool ayaa 2–0 kaga adkaatay West Ham United kulan ka tirsan wareegga 13-aad ee Premier League oo ka dhacay garoonka London Olympic Stadium.

Kooxda martida ahayd ayaa goolka koowaad dhalisay daqiiqaddii 60-aad, waxaana shabaqa ku hubsaday Alexander Isak.

West Ham ayaa dhibaatada kusii korodhay daqiiqaddii 84-aad markii Lucas Paquetá looga saaray ciyaarta casaan, taasoo kooxda ka dhigtay inay ku ciyaaraan toban ciyaaryahan.

Daqiiqaddii 90+2-aad, Liverpool ayaa iska sii xaqiijisay guusha, iyagoo dhaliyay goolkii labaad oo uu caawiyay Joe Gomez.

Guushan ayaa dhibcaha Liverpool gaarsiisay 21, waxayna fariisteen kaalinta siddeedaad, halka West Ham United ay ku jiraan kaalinta toddoba iyo tobnaad iyagoo leh 11 dhibcood.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -