Weeraryahanka Liverpool, Alexander Isak, ayaa rajeynaya inuu dib ugu soo laabto tababarka kooxda toddobaadkan, kadib markii uu kasoo kabsaday dhaawac culus.
Isak ayaa jab ka soo gaaray lafta bidix iyo canqowga kulankii ay 2-1 kaga badiyeen Tottenham Hotspur bishii December 20, 2025. Dhaawacaas ayaa u baahday qalliin, wuxuuna ciyaaryahanka ka maqnaa garoomada muddo dheer.
Hadda, soo kabashadiisa ayaa si tartiib ah u socota, waxaana la filayaa inuu bilaabo inuu ku biiro tababarka guud ee kooxda—tallaabo muhiim ah oo muujineysa inuu ku dhow yahay soo laabasho rasmi ah.
Dhanka kale wali waxa shaki ku jiraa xaalada caafimaad ee Goolhaye Alison Becker kaasoo ka soo kabanaya dhaawac muruqa ah oo soo gaaray ka hor fasaxa kulamada xulalka
Alisson ayaa seegay kulankii ay Liverpool la ciyaartay Brighton & Hove Albion, sidoo kale wuxuu ka baxay xulka Brazil.
Liverpool ayaa si taxadar leh ula socota xaaladda labada ciyaaryahan, iyadoo rajeyneysa inay dib ugu soo laabtaan waqti muhiim ah oo xilli ciyaareedka ah
XIGASHO LAACIB.NET

