HomeCiyaarahaLiverpool oo shaacisay qiimaha keliya ay ku fasixi karto Konate

Liverpool oo shaacisay qiimaha keliya ay ku fasixi karto Konate

XIGASHO LAACIB.NET

Kooxda Liverpool ayaa ku adkeysaneysa inay Ibrahima Konaté ku fasixi karto €50 milyan, inkasta oo heshiiskiisu dhacayo xagaaga 2026. Sida uu qoray wargeyska AS, Real Madrid ayaa diyaar u ah inay bixiso €20 ilaa €25 milyan oo kaliya, taasoo ka fog qiimaha ay Liverpool rabto.

Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayaa weli ka dhur sugeysa in Liverpool ay soo dabacdo. Waxay si buuxda u rumeysan yihiin in Konaté uu go’aansaday inuu ku biiro kooxda marka uu heshiiskiisu dhammaado xagaaga dambe. Kooxdu waxay adeegsaneysaa isla xeeladdii ay kula saxiixdeen Trent Alexander-Arnold, si ay uga fogaadaan bixinta lacag badan oo beddel ah.

Liverpool ayaa wajahaysa xaalad adag: haddii ay aqbasho dalabka Madrid, waxay ku iibinayaan qiimo hoose oo laga yaabo inuusan daboolin qiimaha suuqa. Haddii ay sugto, waxay halis ugu jirtaa inay laacibka si bilaash ah ku lumiso. Kooxo kale sida PSG oo isha ku haya ciyaaryahanka ayaa cadaadis sii kordhin kara toddobaadyada soo socda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -