XIGASHO LAACIB.NET
Warbaahinta Sky Sports ayaa soo warisay in goolhayaha Liverpool, Alisson Becker, uu garoomada ka maqnaan doono ugu yaraan ilaa kadib fasaxa ciyaaraha caalamiga ah ee bisha October.
Tani waxay ka dhigan tahay inuusan kaliya ka qeyb geli doonin kulanka Premier League ee Sabtida ay Liverpool ku wajahayso Chelsea Stamford Bridge, balse sidoo kale uusan u safri doonin si uu ugu biiro xulka Brazil.
Alisson ayaa dhaawac soo gaaray kulankii Champions League ee Reds loogu awood sheegtay 1-0 habeenkii Talaadada, iyadoo wali aan la hubin inuu diyaar u noqon doono in si toos ah loogu soo celiyo safka kooxda isla marka uu soo dhammaado fasaxa caalamiga ah.
Maadaama uu maqnaanayo goolhayaha koowaad, waxaa lagu wadaa in goolhayaha reer Georgia Giorgi Mamardashvili uu sameeyo kulankiisa ugu horreeya ee Premier League isagoo safanaya Sabtida.
XIGASHO LAACIB.NET
