HomeCiyaarahaLiverpool oo si rasmi ah u xaqiijisay Geerida Diogo Jota

Liverpool oo si rasmi ah u xaqiijisay Geerida Diogo Jota

XIGASHO LAACIB.NET

Kooxda Liverpool ayaa si rasmi ah u xaqiijisay geerida xiddigooda weerarka, Diogo Jota, oo si naxdin leh ugu geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay Spain.

Bayaanka rasmiga ah ee kooxda ayaa lagu sheegay:

“Kooxda Liverpool FC waxay si qoto dheer uga naxsan tahay geerida lama filaanka ah ee Diogo Jota.

Waxaanu helnay xog xaqiijinaysa in Diogo oo 28 jir ahaa uu ku dhintay shil gaari oo ka dhacay Spain, isaga oo la socday walaalkiis Andre.”

“Liverpool FC kama bixin doonto wax faahfaahin dheeraad ah waqtigan, waxayna si xushmad leh uga codsanaysaa in la dhowro xasilloonida qoyskiisa, saaxiibadiisa, ciyaartoyda iyo shaqaalaha kooxda xilligan murugada leh.”

“Kooxdu waxay sii wadi doontaa taageerada buuxda ee ay siiso qoyskiisa.”

Diogo Jota wuxuu ku biiray Liverpool bishii September 2020, isaga oo kasoo tegay Wolverhampton Wanderers. Wuxuu sidoo kale hore ugu soo ciyaaray kooxaha FC Porto iyo Paços de Ferreira ee dalkiisa Portugal.

Intii uu joogay Anfield, Jota wuxuu u saftay Liverpool 182 kulan, wuxuuna dhaliyay 65 gool.

Wuxuu qeyb ka ahaa kooxdii ku guuleysatay FA Cup iyo Carabao Cup xilli ciyaareedkii 2021–22, iyo sidoo kale horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.

Geeridiisa lama filaanka ah ayaa ah dharbaaxo weyn oo ku dhacday kubadda cagta iyo taageerayaasha Liverpool.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -