HomeCiyaarahaLiverpool oo war farxad leh ka heshay saxiixa Guehi, iyadoo xiddiga uu...

Liverpool oo war farxad leh ka heshay saxiixa Guehi, iyadoo xiddiga uu iska diiday inuu ku biiro Man City

XIGASHO LAACIB.NET

Sida uu weriyey Sam Lee oo ah weriyaha The Athletic ee ka warama arrimaha kooxda Manchester City, daafaca dhexe ee Crystal Palace, Marc Guehi, ayaa u muuqda mid doorbidaya kooxaha kale halkii uu ku biiri lahaa Man City, xilli mustaqbalkiisu uu hadal-hayn badan dhaliyay.

Sam Lee ayaa isagoo ka hadlayay barnaamijka Let Me Talk sheegay in loo sheegay in Guehi uu doorbidayo inuu sii joogo Palace ilaa xagaaga, ka dibna uu ku biiro kooxda Liverpool. Sidoo kale, weriyaha ayaa xusay in xog kale ay tilmaamayso in Guehi uu sidoo kale xiisaynayo kooxda Arsenal, taas oo tartanka ka dhigaysa mid aad u adag.

Kooxda difaacanaysa horyaalka ayaa doonaysa inay u dhaqaaqdo saxiixa Guehi bishan Janaayo, ka dib markii ay dhaawacyo soo gaareen Ruben Dias iyo Josko Gvardiol, balse dalabka City ayaa dhabar-jab la kulmi kara marka loo eego doonista ciyaaryahanka.

Liverpool ayaa ku dhowaatay saxiixa Guehi xagaagii hore, waxaana la rumeysan yahay inay weli yihiin dookha koowaad ee ciyaaryahanka.

Arsenal ayaa hadda lagu daray liiska kooxaha loolanka ku jira, iyadoo loola tacaalayo sidii loo xoojin lahaa difaaca Gunners si ay u sii xajistaan hoggaanka horyaalka.

Guehi qandaraaskiisu wuxuu dhacayaa xagaaga 2026, taas oo la micno ah inuu hadda ku jiro lixdii bilood ee ugu dambeysay, isagoo xagaaga ku bixi kara lacag la’aan (free agent) haddii uusan bixin bishan Janaayo.

Wararka ayaa sheegaya in Marc Guehi uu doonayo inuu dhammaysto xilli-ciyaareedka isagoo kabtan u ah Palace, ka dibna uu xagaaga doorto kooxda uu rabo, isagoo ka fogaanaya Man City oo uu u arko in fursaddiisu yar tahay haddii ay daafacyada kale soo laabtaan.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -