XIGASHO LAACIB.NET
Kooxda Liverpool ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in Andy Robertson uu ka tagi doono Anfield dhammaadka xilli ciyaareedkan, isagoo ku bixi doona si xor ah.
War-saxaafadeedka kooxda ayaa lagu sheegay in Robertson uu soo afjari doono safarkiisa Liverpool kadib 9 sano oo guulo badan leh, isagoo ka mid noqday halyeeyada kooxda.
Robertson, oo ka yimid Hull City sanadkii 2017, ayaa door weyn ka qaatay guulihii waaweynaa ee Liverpool, oo ay ka mid yihiin:
FIFA Club World Cup iyo UEFA Super Cup
Guud ahaan, daafaca bidix ee reer Scotland ayaa ciyaaray 373 kulan, isagoo noqday mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan kooxda sanadihii ugu dambeeyay.
Inkasta oo uu baxayo, Robertson ayaa diiradda saaraya inuu si fiican u dhameystiro xilli ciyaareedka 2025/26, isagoo rajeynaya inuu kooxda ku hoggaamiyo guulo kale ka hor inta uusan sagootin.
XIGASHO LAACIB.NET
