HomeCiyaarahaLiverpool oo xiddig lama filaan ah lasoo saxiixaneysa haddii ay Isak ku...

Liverpool oo xiddig lama filaan ah lasoo saxiixaneysa haddii ay Isak ku fashilanto

=XIGASHO LAACIB.NET=

Kooxda Liverpool ayaan weli si toos ah uga dhammaan suuqa, iyadoo wararku sheegayaan inay bartilmaameedsanayaan Barcola haddii ay ku fashilmaan keenista Alexander Isak, kaasoo Newcastle United ku diiday dalab ka badan €120 milyan.

Sida ay qortay L’Équipe, Liverpool ayaa hadda si gaar ah indhaha ula raaceysa Bradley Barcola oo ka tirsan Paris Saint-Germain.

Barcola, oo 22 jir ah, kana soo jeeda Villeurbanne, ayaa hoos uga dhacay kaalintii weerarka ee kooxda reer Paris, isagoo hadda dooq labaad u noqday Dembélé, Kvicha Kvaratskhelia iyo Désiré Doué. Inkasta oo ay PSG qorsheyneysay inay u kordhiso heshiiska, Liverpool ayaa dareen weyn u qabtay Barcola tan iyo markii uu joogay Lyon.

Si kastaba, PSG – oo Barcola ka soo iibsatay Lyon labo sano kahor, ayaa si toos ah u caddeysay inay diyaar u tahay inay maqasho dalabyo ka sarreeya €100 milyan, haddii ay tahay in ay u dirayaan laacibka koox ka ciyaareysa tartanka Champions League.

Liverpool, oo ku guuleysatay Champions League 2025, ayaa dooneysa in ay xoogga saarto weerarka, xilli mustaqbalka Isak uu weli furan yahay – balse wali aan la hubin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -