XIGASHO LAACIB.NET
Halyeeyga Liverpool, Jamie Carragher, ayaa si adag uga falceliyay guuldarradii 3-2 ee Reds ay kala kulmeen Brentford, taas oo ahayd guuldarradoodii afraad oo xiriir ah Premier League-ga.
Carragher wuxuu sheegay in xaaladda Liverpool hadda ay ka baxday heerkii caadiga, isla markaana ay u eg tahay mid qalalaase ah.
Carragher wuxuu yiri:”Haddii Brentford ay afar kulan oo xiriir ah lumiyaan, waxaa la dhihi lahaa waa musiibo. Marka koox heysata horyaalka sida Liverpool, oo xagaagii lacag badan gelisay suuqa, ay sidaas u dhacdo – waxay ka dhigan tahay inaan galnay waqti qalalaase.”
Wuxuu intaas ku daray in kooxda gudaha u baahan tahay is-xisaabin:
“Su’aalo culus ayaa la iska weydiin doonaa gudaha qolka labiska, ciyaartoyda, shaqaalaha tababarka, iyo dadka maamulka sare. Waxay eegayaan lacagta la geliyay kooxdan iyo waxa ay hadda bixinayaan, oo si cad uma muuqato mid ku filan.”
Carragher ayaa sidoo kale tilmaamay arrin farsamo oo muhiim ah oo loo baahan yahay in tababare Arne Slot ka fiirsado:
“Liverpool waa inay dib u eegaan awoodda jidheed iyo dhererka kooxda, waayo hadda, aniga aragtidayda, uma muuqdaan kuwo isku filan.”
Liverpool ayaa haatan ku jirta xaalad liidata oo ka fog kooxda xilli hore ku tartamaysay horyaalka, iyadoo cadaadis weyn uu saaran yahay tababare Slot.
XIGASHO LAACIB.NET
