MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Hawlgalka cusub ee nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Somalia kaasoo la magac baxay AUSSOM ayaa lix bilood kadib markii la aas aasay waxaa hada la shaaciyay waqtiga uu sida rasmiga ah uga bilaaanayo Somalia madaama caqabado jirey darteed uusan lixdaas bilood dib ugu dhacay.
Sida aan xogta ku helnay howlgalka ayaa bilaabanaya 1-da bisha Luulyo ee soo socota oo maalmo kaliya nooga harsan yihiin xili isla maalintaasina ay ku soo beegantay maalinta xoriyada Somalia iyo is raacii gobolada Waqooyiga iyo koofurta.
Howlgalkaan ayaa AUSSOM ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in 1-da Luulyo uu si buuxda ula wareegayo mas’uuliyadda amniga kadib marka laga wareejiyo hawlgalkii hore ee ATMIS.
Ciidamada ayaa guud ahaan ka kooban illaa 12,000 oo askari oo isugu jira ciidamo milatari iyo 680 boolis.
Dhanka dhaqaalaha ciidamada ku howlgalayaan oo muran badan ay ka taagneyd ayaa la sheegay in iminka lagu xaliyay 75% miisaaniyadda sanadlaha ah ee AUSSOM laga bixiyo qoondada UN-ka laga bilaabo 1-da Luulyo 2025.
Hawlgalka cusub ee Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Somalia kaasoo la magac baxay AUSSOM ayaa lix bilood kadib markii la aas aasay waxaa hada la shaaciyay waqtiga uu sida rasmiga ah uga bilaaanayo Somalia madaama caqabado jirey darteed uusan lixdaas bilood dib ugu dhacay.
Sida aan xogta ku helnay howlgalka ayaa bilaabanaya 1-da bisha Luulyo ee soo socota oo maalmo kaliya nooga harsan yihiin xili isla maalintaasina ay ku soo beegantay maalinta xoriyada Somalia iyo is raacii gobolada Waqooyiga iyo koofurta.
Howlgalkaan ayaa AUSSOM ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in 1-da Luulyo uu si buuxda ula wareegayo mas’uuliyadda amniga kadib marka laga wareejiyo hawlgalkii hore ee ATMIS.
Ciidamada ayaa guud ahaan ka kooban illaa 12,000 oo askari oo isugu jira ciidamo milatari iyo 680 boolis.
Dhanka dhaqaalaha ciidamada ku howlgalayaan oo muran badan ay ka taagneyd ayaa la sheegay in iminka lagu xaliyay 75% miisaaniyadda sanadlaha ah ee AUSSOM laga bixiyo qoondada UN-ka laga bilaabo 1-da Luulyo 2025.
Dhaqaale xumida howlgalkaan soo wajahday waxaa cadeyn u ah in qorshaha lixda bilood ee la so dhaafay uu ahaa in howlgalku helo $90.4 milyan balse waxaa la helay oo kaliya $16.7.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM