Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Osmaan Lugaatoor ayaa ka qayb galay munaasabad lagu soo bandhigayey waxqabadka mashuurca Kobciye ee hourmarinta Beeraha iyo000000⁰pp000000⁰00000000⁰ sugnaanta Cuntada ee Puntland.

Munaasabadda waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehliyay, Wasiirada, wasaaradaha Beeraha, Xanaanada Xoolaha, Warfaafinta, Guddoomiyaha Hay’adda waddooyinka Puntland, Guddoomiye Ku-xigeenka degmada Garoowe iyo masuuliyiin kale.

Advertisement

Madaxweyne Ku-xigeenka dawladda Puntland ayaa kormeeray goobaha Beeralaydu ay ku soo bandhigayeen dalagyada kala duwan ee wax soo-saarkooda, isaga oo ka xog waraystay noocyada kala duwan ee ay soo bandhigeen, caqabadaha iyo fursadaha jira, waxaana uu bogaadiyay shaqada ay qabteen, oo uu tilmaamay in Puntland ay tahay dhul hodan ah, gaar ahaan dhanka beeraha, isla markaana loo baahan yahay in shacabkeenu ay ka faa’iidaytaan.

=XIGASHO PUNTLAND TV=

Previous articleGanacsade lagu dilay Gaalkacyo.
Next articleWarbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here