HomeArticles“Ma Aamminsana gebi ahaanba!” – Paul Merson oo kashifay dhibaatada dhex taal...

“Ma Aamminsana gebi ahaanba!” – Paul Merson oo kashifay dhibaatada dhex taal Ciyaartoyda Arsenal iyo Viktor Gyökeres.

XIGASHO LAACIB.NET

Halyeeygii hore ee Arsenal, Paul Merson, ayaa sheegay in
ciyaartoyda Arsenal aysan kalsooni ku qabin weeraryahanka Viktor Gyökeres.

Isagoo ka hadlayay barnaamijka The Overlap, Merson wuxuu yiri ciyaartoyda Arsenal marar badan kubbadda uma dhiibaan xiddiga reer Sweden, taasoo muujinaysa kalsooni darro.

“Arsenal ma aamminsana Gyökeres,” ayuu yiri Merson. “Kubbadda uma dhiibaan gabi ahaanba. Taasi waa waxa aan arko marka aan daawanayo ciyaaraha Arsenal.

“Wuxuu usoo degaa si uu kubbadda u helo, balse lama siinayo. Wuxuu sameeyaa orod wanaagsan sidoo kale.

“Mararka qaarkood waa in kubbadda lagu tuuraa dhinacyada si uu ugu ordo. Hadda hoos ayuu u dhacay, mana u maleynayo in ay kalsooni ku qabaan gabi ahaanba.”

Arsenal ayaa Gyökeres kala soo wareegtay Sporting Lisbon sanadkii hore, kaddib xilli ciyaareed aad u wacan oo uu ka sameeyay horyaalka Portugal.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -