XIGASHO LAACIB.NET
Weeraryahankii hore ee Manchester United, Louis Saha, ayaa muujiyay in uu la yaabay go’aankii Arsenal ay kusoo qaadatay Viktor Gyokeres suuqii xagaaga, isagoo ku tilmaamay weeraryahanka reer Sweden “mid aan xirfad badan lahayn.”
Gyokeres ayaa kusoo biiray Emirates isagoo si cajiib ah isugu muujiyay Sporting CP, halkaas oo uu 102 kulan ku dhaliyay 97 gool. Arsenal ayaa ku bixisay qiyaastii £55 milyan, waxaana uu saddex gool dhaliyay afar kulan oo Premier League ah oo uu saftay.
Saha oo la hadlay Flashscore ayaa yiri: “Waxaan u arkaa in Gyokeres aanu ahayn ciyaaryahan xirfad badan. Wuxuu leeyahay qaab ciyaareed aan ku habbooneyn Arsenal. Wuu isku muujin karaa, balse waxaan dareemayaa in Arsenal aysan hadda ciyaareyn kubbaddii quruxda badnayd ee aan garanaynay, taas oo laga yaabo in Arteta uusan jecleysan.”
Wuxuu intaas ku daray in taageerayaashu ay u baahan karaan isbeddel, hase yeeshee wuxuu sheegay in garbaha Arsenal aysan bixin karoosyo badan, taasoo ka dhigtay saxiixa Gyokeres mid uu ka yaabay.
Arsenal ayaa weli ku jirta raadinta guulo waaweyn horyaalka iyo Yurub, iyadoo Gyokeres lagu qiimeynayo inuu beddeli karo qaabka weerarkooda.
XIGASHO LAACIB.NET
