Magacaaga Sheeg

Xaakimka ama qaadiga ayaa Sadam Xuseen magaciisa weydiiyay. Kadib wuxuu Saadam Xuseen ku jawaabay

“Dastuurka Ciraaq waan xushmeynayaa lakin dastuur uu Bush wax kudaray ma ahan midka aan xushmeeynayo.

“Magaceeyga waa macruuf, mana kuu sheegayo. Mase Bush ayaa su’ashan kuu soo dhiibay Yaa xaakim”

“Islaamka waa dowlad guureeysa. Adiga xaakim waxaad halkaan ku fadhisaa fikrad Mareykan. Waa is ognahay dhamaanteen”

• Xaakimka Oo Salaad U Diiday Sadam

“Labo jeer waxaan kuu sheegay in waqtiga salaada casar la joogo lakin waad iska indho tirtay, sabab?”

“Ka cabsan maayo qofna xitaa adiga iyo wixii lamidka ah. Waxaan kaliya ka cabsanayaa waa Alle swt”.

• Mar uu xaakimka hadalka ku celiyay Sadam Xuseen ayuu sidaan ugu jawaabay.

“Xaakim, aniga maahi arday wax ka dhigta iskuulkaaga. Igu xushmeey inaan ahay madaxweynahaaga”

“Waxaan kutasay dhaawacyada mareykanka ii geysteen. Wali waad aamini weysan tahay sababtoo ah Bushka xun ayaa kugu yiri kalmad walbo oo Sadam uu sheego yaan la rumeysan”

• Kalmado Ay Wali Xasuustaan Shacabka Ciraaq

“Dadka marqaatiyaasha ah waxey ka dhex hadlayaan qol aan daaqado lahayn. Micnaha aan ula jeedo waad fahmi kartaa”

“Daanyeerada markeey ku qoslayaan geedaha korkeeda Libaaxa wax ‘Care’ ah ma siiyo”

“Aniga isma difaacayo ee xaakim adiga ayaan ku difaacayaa. Si fiican ii maqal, Hanoqon qof maalinkii dharka lagu yaqaano wata oo habeenkiina dhar kale xiranaya”.

• Habaarkii Uu Bush Iyo Peres

“Naclatullah Bush iyo Peres-ka isra’il. Waan ogahay in maxkamadaan ay kor joogto ka yihiin lakin maalin waxaa dhaceeysa aad ka shalaayi doontaan”

“Kitaabkaas gacanta iigu jira ayaan aaminsanahay. Waligeeyna aaminsanaa, wax geeri ah kama baqayo lakin Ciraaq waxaad gacanta u galiseen Yahuud iyo Kufaar”

• Carab Iyo Gumeysi

“Carab oo dhan waa gumeestayaal kor laga heysto. Arag Sacuudig, arag Imaaraadka, arag Kuweet iyo maanta ciraaq”

“Waxaan ka xumahay anigoo arkaya in dalkeeyga lagu soo duulay in dadkeeyga ay gacmaha iga xirxireen”

“I dhageysta shacabka islaamkoow. Marnaba ha ogolaanina in dalkiina ay soo faragaliyaan yahuud iyo reer Galbeed”

“Kuwo daciif oo idinka mid ah ayey qalbiga ka xadayaan kadibna dalkiina ayey la wareegayaan. Waqtigii rasuulkana wey jirtay arintaas”.

• Allahu Akbar

Maxkamada markeey ku dhawaaqday in ugu dambeyn la daldalo madaxweynihii hore Ciraaq ayuu yiri Sadam isagoo aad u qiireeysan

“Allahu akbar, allahu akbar, allahu akbar. Ciraaq wey jireeysaa, saddam geeri kama baqayo. Gaalo ayaad u shaqeeyseen oo dalkiina gacanta u galiseen”

“Gala naarta adiga iyo maxkamadaada. Allahu Akbar, Ciraaq ha noolaato, shisheeye hadhaco iyo adigaba”

“Allahu akbar, alle i abuurtay ayaan dib ugu noqonayaa. Naclatullah mareykan iyo wixii taageersan, geeri waa xaq. Saddam waa baxay shacabka ciraaqoow”

Kadib Isagoo salaad sunno ah tukaday kadibna kitaabka aayado ka aqristay ayaa la daldalay maalin Ciid ah 😭 alla muxuu jeediyay qudbad xanuun badan

Allaha u naxariisto Sadam Xuseen aamin yaa rabbi, aan u wada duceeyno dhamaanteen qofwalba

Hadii aad Aqrisatay share garey walaal Saddam wuxuu ahaa geesi islaam ah 😭

Waxaa Qoray: Idris Abdulkadir 👈

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here