HomeCiyaaraha“Ma difaacan karno Horyaalka” Mac Allister oo jeediyay hadal ay ka cadhoodeen...

“Ma difaacan karno Horyaalka” Mac Allister oo jeediyay hadal ay ka cadhoodeen taageerayaasha Liverpool

XIGASHO LAACIB.NET

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool, Alexis Mac Allister, ayaa bixiyay wareysi dhab ah oo qiiro leh ka hor kulanka ay kooxdiisa ay la leedahay Fulham, isagoo qirtay in fursadda ay Liverpool ku difaacan karto horyaalka Premier League ay aad u yar tahay.

Mac Allister ayaa sheegay in inkastoo ay adag tahay in taas la qirto, haddana xaqiiqada jirta ay tahay in Arsenal iyo Manchester City ay aad uga sarreeyaan Liverpool dhinac kasta xilli-ciyaareedkan.

Mac Allister wuxuu aaminsan yahay in qaab ciyaareedka iyo natiijooyinka Liverpool aysan u dhowayn kuwa kooxaha tartamaya, isagoo yiri: “Ma arko annaga oo mar kale horyaal qaadeyna.”

Wuxuu caddeeyay inay xanuun ku tahay ciyaartoyda, maadaama ay ahayd xilligii ay ku raaxaysan lahaayeen difaacashada horyaalkii ay sannadkii hore ku guuleysteen.

Isbeddello badan ayaa ku dhacay kooxda tan iyo xilli-ciyaareedkii hore, wuxuuna sheegay in xaaladda hadda ay ku jiraan aysan ahayn mid habboon, balse ay tahay inay wajahaan oo ay shaqada sii wataan.

Liverpool ayaa hadda u muuqata mid dhibtoonaysa, iyadoo 12 dhibcood ka dambaysa hoggaanka horyaalka. Arsenal ayaa hoggaanka haysa, halka Aston Villa iyo Manchester City ay iyaguna ka sarreeyaan kooxda maaliyadaha cas ee ka dhisan Anfield.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -