Hadaan eegeegay. Fekeray. Dad badan oo arimaha Amniga iyo Sirdoonka Khibrad u leh kala Sheekeystay, baaritaan ku Sameeyay Sababta MW Farmaajo u Carqaladeynayo haatan Kiiska AUN Ikraan Tahliil, isagoo 70 maalmood in ka badan ka Aamusnaa, isla Markaana Haatan oo uu GAL dacwadeedkeedu Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ka furan yahay. Uu ka dhinac furay jid Marin habaabin oo ah GUDI ku Sheega uu u Magacaabay. Taas oo Qalqal gelin ku ah howsha Maxkamada wada kiiskeeda.

Sidaa darteed Rafashada iyo Cargaagtanka MW Farmaajo waxa ka keenaya ayaa loo Fahmi karaa inay sabab u yihiin laba arimood midood Ama labadaba. Kuwaa oo kala ah:-
1- in uu kiiska Xiriir la leeyahay oo sii socoshadiisa uu ka baqayo in uu isaga qudhiisa lugaha la soo galo. Sidaana isaga moosayo oo uu baqtiinayo holaca kiiskan
2- in Fahad Faro sir Ceebeed daran ka hayo oo lagu daacdaacinayo, oo hadii uusan arinkan ka hortegin loogu hanjabay in baraha Bulshada lagu soo daabici doono, horaana ugu dacayeysnaa dacarSireedkaa laga hayo.

Qore Cabdirashiid Deel

RABI TALO KU FILAN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here