HomeWarkiiSaciid Deni iyo Axmed Madoobe ma lagu casuumay Caleema-saarka Firdhiye

Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ma lagu casuumay Caleema-saarka Firdhiye

LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Wararka ku saabsan madaxda kala duwan ee lagu casuumay Xaflada caleema saarka Madaxweynaha Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Somalia ayaa sheegaya in si rasmi ah loogu casuumay dhamaan madaxda maamul Goboleedyada sida aan xogta ku helnay.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo khilaaf weyni kala dhexeeyo Dowlada Somalia oo dhistay Maamulkaani ayaa dad badani aaminsan yihiin inaysan ka soo qeybgaleyn munaasabadaani balse lama yaqaan sida ay ka yeeli doonaan casuumaada loo fidiyay ma qaadici doonaan mise way tagi doonaan.

Munaasabada Caleema saarka maamulka cusub ee Waqooyi Bari Somaliya oo dhaca Isniinta soo socota ee taariikhdu ku aadan tahay 20-ka Oktoobar ayaa waxaa la shaaciyay inay ka qeybgeli doonaan Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisulwasaaraha Somalia Xamza Cabdi _Barre kuwaasoo sawiradooda lagu dhajiyay Magaalada Laas-caanood ee xarunta Maamulka cusub.

Madaxweynayaasha kale ee Galmudug,Koofur-galbeed iyo Hirshabelle iyaga wax muran iyo dood ah lama gelin waxaana la sheegay inay tagayaan oo ka qeybgeli doonaan hadii rabi dimo.

Sidoo kale Boqorka Beesha Daarood iyo waxgaradka ugu miisaanka culus ee reerlaasi ayaa ka qeybgalaya shirka sidaan xogta ku helnay kuwaasoo aan u kala hari doonin si ay garab istaag ugu muujiyaan Madaxweynaha Waqooyi Bari C/qaadir Firdhiye oo ah nin ka soo jeeda beesha Daarood.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -