Maaalintii Shanaad waxa Xukumada Madaxwayne Muuse Biixi u afduuban Xaruntii Guud ee Horyaal Tv ee Magaalada Hargeysa

 

Maaalintii Shanaad waxa Xukumada Madaxwayne Muuse Biixi u afduuban Xaruntii Guud ee Horyaal Tv ee Magaalada Hargeysa waxaana xidhan Gudoomiyihii Tvga Maxamed Cismaan Mire Sayid, iyada oo loo diiday Gudoomiyaha in ay booqdaab ehelkiisa isla markaana ilaa iyo haatan aan si rasmi ah wax war ah looga hayn Goobta rasmiga ah ee lagu xidhay.
Xadhigan Xaqdarada ah ee loo gaystay Horyaal Tv iyo Gudoomiyihiisa ayaanay Xukumada Somaliland cadayn ilaa iyo haatan Ujeedada Rasmiga ah ee ka dambaysa.
Waxaana ay qayb ka tahay Cabudhinta iyo Cago juglayn Xukumada Madaxwayne Biixi ku hayso Warbaahin kala duwan ee Madaxa banaan ee ka hawl gasha Dalka.
Iyada oo tan iyo mudadii uu xilka hayay si sharciga maalmarsan ay u xidheen Saxafiyiin kala duwan iyo xarumo Warbaahineed.
Ururada kala duwan ee xuquuqul iinsaanka Aduunka ayaa siyaabo kala duwan u cambaareeyey xadhiga Gudoomiyaha iyo Tvga Horyaal iyaga oo Xukumada Somaliland ugu baaqay in lagu so noqdo Dariiqa Sharciga.
Madaxwaynaha Somaliland ee xiligani ayaa isagi markii uu ku jirey Ollalihii Doorashada waxa uu ku ollalayn jiray in uu hadii uu guulaysto Sharciga dalku sarayn doono, balse xaalka Somaliland ee xiligani ayaa u muuqda Mid sharciga Lugaha Hoostooda la mariyey

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064