Afar ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay iyo laba askari oo reer Maali ah ayaa lagu dilay dhowr kalena waa lagu dhaawacay laba weerar oo argagixiso oo ka dhacay gobollada Mali ee Mopti iyo Kidal, sida ay Sheegeen saraakiish Saraakiil katirsan Dowladda Mali Mmaatna oo Sabti ah.

Ciidamada qalabka sida ee Mali (FAMA) iyo howlgalka xasilinta isku dhafka ah ee Qaramada Midoobay ee ka howlgala dalka Mali (MINUSMA) ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay: “in Koox Argagixisa oo aad u hubeysan ay soo qaadeen weerar ay ku dhinteen afar ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta dhowr kalena lagu dhaawacay Gobolka Kidal. ”

askarta ayaa waxaa ay ka soojeedaan Jamhuuriyada Chad, Mahamat Zene, oo ah wasiirka isgaarsiinta ee Chad, ayaa ku yiri qoraal uu soo dhigey bartiisa Twitter-ka, waxaa uu ku yiri;

weerar ay ka muuqato Fulinimo ayey Soo qaadeen Kooxaxa Argagixisa waxaana ku geeriyoidey Qaarkamid ah Ciidankeena ee Nabad Ilaalinta u jooga Dalka Mali,waxaan u tacsiyeyneyaan Qoysasaka Dhibiniyaasha ayuu yiri Wasiirku.

Majiro ilaa iyo hadda Cid si Dhab ah u sheegatey Weerarkaasi Lkn Dalka Malia waxaa ka dagaalama Koox kaladuwan oo ay kamid tahay Al qaacida Galbeedka Africa iyo Ururka Daacish, dhamaan Ururadaani ilaa iyo hada midnà ma sheegan Masuuliyada Weerarkaasi.

Dhowr qof oo ah kuwii Weerarka Sooqaaday ayaa wararka qaar sheegeyaan in ay Dhinteen intii weerarka uu soconeyey halka kuwa Kalena ay Ciidamada Dhaawaceen, sidaasi waxaa sheegey Hawlgalka Jimciyada Quruumaha ka dhexeysa ee Dalka Mali.

“Tiro argagixiso ah oo hubaysan” ayaa la qabtay, walina waxaa ku soconeya Baaritaano ayuu yiri Dennis oo ah abaanduulaha guud ee Ciidamada Nabad ILaalinta Qaramada midoobey oo Bartiisa Tweterka Qoraal soo dhigey.

Weerar kale oo lala beegsaday fariisin militari oo ku yaal bartamaha Mali jimcihii, laba askari oo ah Ciidamada Dalka Mali ayaa lagu dilay 10 kalena waa lagu dhaawacay, sida ay sheegeen Saraakiil Militeri oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Mali.

By C/wahaab Aadan C/raxmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here