Maanta oo kale muddo laga joogo 48 sano oo ku aadan maalin khamiis ah oo taariikhda milaadiga ay aheyd 23ka janaayo 1975 kuna beegneed 10ka bisha Muxaram(Yoomul Cashuuraa) ee sanadka 1395ka hijriyada waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya lagu toogtey 10 wadaad oo culimo diin ah oo kasoo horjeestey

barnaamijka shuuciyada caalamiga ah ee ay hor kacayeen golihii sare ee kacaanka ee afka qalaad lagu oran jiray Supreme Revulotionry Council (SRC) oo markaas ka koobnaa 25 sarkaal oo rag soomaaliyeed ah. Golahaas waxaa gudoomiye u ahaa Jeneraal Maxamed Siyaad Bare. Golahaas sare ee kacaanka oktoobar waxaa ay talada dalka Soomaaliya la wareegeen 21kii oktoobar 1969kii. Isla sanadkii 1970kii bishii janaayo 10keeda waxa ay soo saareen sharci ay ugu magac dareen Law No 1 laguna aasaasey ciidanka nabadsugida soomaliyeed ( NSS) kasoo awood u siinaaya iney ciidanka nabasugida qofkii ay tuhmaan jir dili karaan isla markaana qofka tuhmana uu xirnaan karo muddo dheer maxkamad iyo xukun la’aan taasoo keentey in xabsiga loo taxaabo dhamaan siyaasiyiintii dowladii rayadka aheyd iyo cid walba oo saameyn laheed oo ay golihii sare kacaanka u arkayeen in aragtidooda diidan tahay. 10kii bishii siteembar 1970 waxaa ay golihii sare ee kacaanka soo saareen sharci ay ugu magacdareen Law No 54 oo ka koobnaa 26 qodob. Isla sanadkii 1970kii golihii sare ee kacaanka waxa ay abuureen maxkamada badbaadada Qaranka oo gudoomiye looga dhigay Korneyl Maxamuud Geele Yuusuf ,xeer ilaaliyana kornel Maxamed Cismaan Maye. Sharcigaas Law No waxaa lagu tiriyaa sharciyada ugu yaabka badan ee soo maray dunida aan ku noolnahay uguna adag ee bani aadam lagu xukumo. Law No 54 waa sharciga lagu dilay ama lagu xiray dhamaan dadkii soomaaliyeed ee ku baxay ama lagu xiray gacantii golihii sare ee kacaankii 21ka oktoobar. Sharciyada Law No 54 wax abiil ah kama jirin waxaana xukumi jirtey oo dhaqan galiin jirtey maxkamada Badbaadada dalka.
Bishii oktoobar 1970kii waxa ay ku dhawaaqeen golihii sare ay kacaanka oktoobar in jamhuuriyada Soomaaliya lagu dhaqo doono nidaamka shuuciyada ee loo yaqaano hantiwadaaga cilmiga ku dhisan ( Sceintific socialism) waxaana lasoo saarey xeerar xoojinaya in dhamaan hay’adaha dowlada Soomaaliya iyo nolosha qofka muwaadinka ay ka dhex muuqdaan nidaamka hantiwadaaga cilmiga ku dhisan waxaana lala wareegay dhamaan hantidii gaarka aheyd iyo shirkadihii waaweyn ee ay lahaayeen ganacsatada soomaaliyeed iyo maalgaliyayaashii shisheeyaha ahaa.
Nidaamkaan shuuciyada ee ay soo rogeen golihii sare ee kacaanka wuxuu yaab ku noqdey dadkii waxgaradka soomaaliyeed iyo culumaaudiinkii waqtigaas joogey iyaga oo sheegay inay adkaan karto in mujtamac muslim ah 100% in laga hirgaliyo nidaam shuuciyad oo saldhig looga dhigayao hantiwadaaga cilmiga ku dhisan laakiinse ma jirin wax ka hor imaasho muuqdo oo lagu sameeyey maadaama dhamaan dadkii waxgaradka ahaa ee ka hor imaan karay kacaanka ama abaabulka sameyn karay ay ku jireen xabsiyada dalka.

11kii janaayo sanadkii 1975kii waxaa golihii sare ee kacaanka oo markaa ka koobnaa 25 nin oo rag ah ay ansixiyeen waxa loogu magac daray xeerka qoyska oo ah nidaam lagu saleeyey hantiwadaaga cilmiga ku dhisan aadna uga hor imaanayey xeerarkii shareecada islaamka ee soomaalidu ay isku xukumi jirtey mudada dheer. Sharcigii cusbaa ee xeerka qoyska wuxuu baabi’iyey dhamaan xeerarkii ka horeeyey ee lagu dhaqi jirey arimaha qoyska.

Maalin jimco ah kuna beegan 17ka bishii janaayo 1975kii waxaa qaar ka mid masaajidada magaalada Muqdisho ka biloowdey kacdoon bulsho oo si nabad galeyo ah dadku ay ugu muujinayaan sida ay uga xun yihiin ku dhaqanka nidaamka hangtiwadaaga cilmiga ku dhisan gaar ahaan xeerka qoyska ay la yimaadeen golihii sare ee kacaanka.
Kacdoonkaas dadweyne waxaa hor kacaayey qaar ka mid ah culumaa’udiinka soomaaliyeed oo u arkaayey ineysan jirin nolol ay sugi karaan hadii mar loo soo dhacay diintoodii iyo mabaadii’dii ay kasoo dhaxleen awoowayaashood isla markaana uu ku fashilmey gumeystihii reer Yurub inuu ka badalo dadkii soomaaliyeed ee uu gumeysanayey muddada dheer.

Ciidamadii xooga badnaa ee kacaanka waxa ay awood xad dhaaf ah ku muuqineyeen kacdoonkaas nabadeed ee ay culumaa’udiinka soomaaliyeed horkacayeen, waxaa la xiray culumaa’udiin badan iyo dad weyne badan oo soomaaliyeed.

Isla usbuucaas waxaa qaar ka mid ah culumaa’udiinkaas lasoo taagey maxkamada badbaadada dalka waxaana lagu xukumay dil toogasho iyo xabsiyo dhaadheer oo aan wax abiil ah laga qaadan karin.

10 ka mid culumaa’udiinkii lasoo qabtey waxaa lagu toogtey barxada ciidanka booliska loo yaqaano Scuola Polizia subxanimadii 23kii janaayo sanadkii 1975 oo beegneed 10ka bisha Muxaram( Yoomul Cashuuraa) ee sanadka hijriyada 1395ka.

10ka wadaad ee naf hurinimada u sameeyey difaacida diinta islaamka oo ah diinta ay ummada soomaaliyeed aaminsan yihiin 100%, naftoodana ka iibiyey Allaha weyn ee na abuurtey maalintaasna ogolaatey iney u dhintaan, dhiigooda u daadiyaan Allah dartiis si ummaddan soomaaliyeed aan looga bedelin diinta ay awoowayaashood looguna dhaqin nidaam shuuci ah oo laga soo min guuriyey wadamo gaalo ah oo aan wax dhaqan iyo diin ka dhaxeynin iyaga iyo ummadda Soomaaliyeed.

10kaas shahiid ee u dhintey ilaalinta iyo difaacida diinta islaamka waxa ay kala yihiin magacyadooda sida soo socota:
1- Sheekh Axmed Sh. Maxamed( Walaaleeye)
2-Sheekh Muuse Yuusuf( Marya cade)
3- Sheekh Axmed Iimaan
4- Sheekh Cali Xasan Warsame
5- Sheekh Xasan Ciise Iley
6- Sheekh Maxamed Siyaad Xirsi
7- sheekh Cali Jaamac Xirsi
8- Sheekh Aadan Cali Xirsi
9- Sheekh Saleebaan Jaamac Maxamed
10- Sheekh Yaasiin Cilmi Cawil

Waxaa lagama maarmaan ah inaan xasuusnaano isla markaana taariikhda wiilashaas soomaaliyeed ee naftooda u huray ilaalinta qiyamka iyo mabaadii’da ay umada soomaaliyeed dhaxleen aan barno jiilasha soomaaliyeed soomaaliyeed ee soo socda.
In soomaaliya ay sii ahaato dal muslim ah kana mid ah dunida muslimka ka mid ah dadka soomaaliyeedna ay sii ahaadaan dad muslimiin ah waxaa ku kacay qiimo aad u badan oo gaarey heer naf hurnimo sidaa darteed qof walba oo soomaali ah oo damiir wadaniyadeed leh waa inuu xusuusnaadaa qiimahaas lagu bixiyey ilaalinta Soomaaliya oo islaam ah kuna dhaqmeysa diinta islaamka.
Taariikhyahanada soomaaliyeed waxaa ay sheegaan burburka Soomaaliya uu soo bilowdey maalintaas la dilay culumaa’udiinka soomaaliyeed isla markaana dhiigooda qaaliga ah ay dad jaahiliin oo aan islaamka waxba ka aqoon ay daadiyeen dadkii la rabay inay ka hor imaadaan ama ay jaahiliinta gacanta ka qabtaana ay ka aamuseen oo ay guryahooda galeen meeshii ay banaanka usoo bixi lahaayeen oo ay ka dhiidhiyi lahaayeen xadgudubka loo geystey diinta islaamka.
Maanta oo laga joogo 48 sano maalintii la dilay culumaa’udiinka soomaaliyeed waxaa talada dalka Soomaaliya isku hayo kooxo islaamiyiin heysta fikirka khawaarijiintii hore oo aysan jirin wax ay xeerinaayaan isla markaana baneystey dhiigii iyo xoolihii umadda soomaaliyeed iyaga oo adeegsanaya magaca islaamka iyo dhinaca kale oo ay taagan yihiin dolwad cilmaaniyad ah rabta iney dhaqan galiso mabda’a dimoqraadiyada reer galbeedka maadaama mabda’ii shuuciyada ee culumada soomaaliyeed loo laayey uu Allah halaagey uu meeshana ka baxay.

Waxaa fagaaraha ka maqan fikirka islaamka qunyar socodka oo noqon lahaa waxa kaliya ay Soomaaliya ku badbaadi karto laakiin nasiib daro reer galbeed ma rabaan islaam noocuu doono ha ahaadee waxayna kula jiraan dagaal aad u xoog badan oo wax walba ay hurayaan sidii islaamka siyaasiga looga saari lahaa nolosha dadka muslimiinta ee caadiga ah.

Ilaa iyo hadda dadka soomaaliyeed waxa ay ka sheekeeyaan nabadii iyo daganaanshihii ay heshay caasimada Soomaaliya horaantii sanadkii 2006kii oo lagu soo rogay caasimada iyo gobolada koonfurka ku dhaqanka shareecada islaamka oo dhaqan galinaayo si qunyar socod ah oo miyir degan uu la socdo.
Diinta Alle iyo ilaalinteeda cabsi lagama qabo lagamana walwal qabo iney guuldareysto laakiin bani aadanka oo cimrigiisu kooban yahay ayaa iska jecel inuu guusha ku arko indhihiisa laakiin waxaa loo baahan yahay la shaqeeyo oo aan la daalin sidii loo gaari lahaa Soomaaliya oo islaam ah kuna dhaqameyso diinteeda sharafta badan isla markaana nabad ku wada nool dariskeedana kula nool badan.
Waxaa lasoo gaarey maalintii aan kor ugu dhawaaqi laheen oo aan ku oran laheen hogaamiyayaasha iyo madaxda reer galbeedka sida aan u diidan nahay islaam xagjir oo seef la bood ah oo baneysanaya dhiiga iyo xoolaha soomaaliyeed ayaan u diidan nahay cilmaaniyad seef la bood ah oo dadka soomaaliyeed ka fogeyneyso diintooda iyo dhaqankooda.

Soomaaliya waxaa ka socda mashruuc ah in dadka la nacsiiyo diintooda iyo dhaqankooda iyada oo loo soo marayo hab dhaqanka foosha xun ee khawaarijta iyada wax walba islaam shaqo ku leh laga fogeynaayo dowlada dowladnimada si loo helo jiilal Soomaaliyeed oo marka islaam lasoo hadal qaado ku dhahaayo war islaamka aad sheegeysid soo midkaan soo aragnay ee Alshabaab ay xoolaha iyo dhiiga ku baneysan jireen soo ma aha sidaas darteedna looga cararo diinta islaamka ee sharafta badan.

Waxaa lagama maarmaan ah in culumaa’udiinka Soomaaliyeed ay Allah ka baqaan oo sida ay Alshabaab iyo fikirkooda khawaarijnimada ay uga digayaan oo kale ay uga digaan mashruuca fasaahidiinta diinta iyo in diinta iyo dowlada la kala saaro ee ku saleysan cilmaaniyada casriga ah.
Soomaaliya wax walba waa soo martey waxaan soo aragney dowlad dimoqraadi ah , waxaan soo aragney dowlad shuuci ah, waxaan soo aragney dowlado qabiileysan iyo qabqablayaal dagaal sidaa darteed waxaa lagama maarmaan in wadamada reer galbeedka ee awooda ciidan iyo awooda dhaqaale ku heysta talada dalka Soomaaliya iney ogolaadaan in dalka Soomaaliya lagu tijaabiyo ku dhaqanka shareecada islaamka iyo talada islaamka qunyar socodka.
Hadii reer galbeedku ay diidaan fikirka ah in Soomaaliya shareecada islaamka lagu tijaabiyo oo bal iney degto oo xasilooni hesho iyadana ay nabad noqoto dariskeedana ay nabad kula noolaato waxaa laga yaabaa in dhibka hadda alshabaab ay ku haayaan Soomaaliya uu usoo gudbo geeska Afrika oo dhan oo reer galbeedkana uu ugu yimaado guryahooda.

Dadka iyo dalka aan leeyahay waxaa ku haboon in shareecada islaamka lagu xukumo ayaa ila haboon ma aha Mareykan iyo Ingiriis iyo Talyaani ee waa Soomaliya oo dal iyo dad muslim ah xaq ayayna u leeyihiin diintooda lagu xukumo oo aan lagu qabsin shuruuc laga soo min guuriyey romaaniyiintii hore iyo wadamada reer galbeedka.

Hadda Alshabaab aan ka qaylineynaa maxaan ka ognahay inaan gaarno waqti aan dhahno war Shabaab aaa la qaatey oo musiibo ka xun aan aragney.

Allaha awoodda badan waxaan weydiisanayaa inuu naxariistii jano siiyo wadaadadii soomaaliyeed ee naftooda u huray difaacida diinta islaamka iyo dhaqanka wanaagsan ee soomaaliyeed.

Allaa weyn qofkii aaminaa awood leh ummad waliba aayaheeda iney garato iyadaa leh.
Soomaaliya Allaha barakeeyo.
Soomaaliya ha noolaato.
Soomaaliya Soomaali baa leh.
Ha iloobin inaad u duceyso dalkaaga hooyo mar walba iyo saacad walba hana ka quusin naxariista Alle weyne.
Ilaahow ma gaarsiiyey, Alloow marqaati ka ahoow.

Maanta waa 23ka bisha janaayo sanadka 2023ka oo ku beegan 1da bisha rajab sanadka 1444ka ee taariikhda hijriyada.
Qalinkii Cabdala Aadan Xasan( Cabdala Siyaasi)

Email: abdullahihassan@hotmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here