Wararka hada ka imaanaya Deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud ayaa Sheegaya in Halkaasi uu hada dib uga qarxay Dagaal u dhexeeya Labada Maleeshiyo Beeleed ee Halkaasi ku dagaalamaysa.

Ma jiraan ilaa hada Cid kala dhexgashay ama Dadaal ku bixinaysa Joojinta Colaadaasi Ciidamada Dowlada ayaa Xalay isku dayey inay Halkaasi aadaan balse waxa ay dib ugu soo laabteen Magaalada Dhusamareb.

Hadaba Dhusamareb oo ah Caasimada Galmudug Halka Dagaalkan Qabiilkuna uu ka dhacayo ay u jirto wax ka yar 50km suurgal ma tahay in lagu qabto Shir Soomaali ku tashanayso sowse ma haboona in Xalinta Qilaafka Siyaasadeed laga hormariyo kan Qabiilada ee Dhiigu ku daadanayo.

Wariye Maxames Rooraayey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here