Wararka ka imanaayo madaxda mucaaradka Dowlada Federaalka Soomalaiya iyo Qaar ka mid ah Maamul Goboleeyada dalka ayaa sheegaya in ay dhawaan ku dhawaqi doinaan gudi Doorasho iyo Ergada dooran laheyd Xildhibaanada Cusub ee 2021 taana waxay dhabar jab ku noqoneysaa Madaxweyne Farmaajo oo isagu doonaayo in mar labaad ku soo noqdo sifa aan sharciga waafaqsaneen

Masuuliyiintaa ayaa dhowr cisha siiyey Farmaajo in uu ka Noqdo Gudiga Doorashada uu ka soo xulay Madaxtooyada,Nabad sugida iyo Xoogaga wadaniyiinta

Qorshaha Farmaajo ayaa fashaliyey mar uu ka hadlaay Ra iisal wasare ku Xigeenka Mahadi Guuleed arimaha soo xulida Gudiga Doorashada isagoona sheegay in Dowladii Xasan Sheikh soo xushay Ergo uu isagu wato anagana taa uun baa sameynay maxaa teyna Ceeb ka dhigay ayuu yiri

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa Gudiga Doorashada 2016 soo xulay masuuliyiin waa weyn ah oo aan dowlada ku jirin sida Prfasoon Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Wasiir Beyle oo labaduba ahaa gudigii Doorashada 2016 waxaase hada is weydiin mudan 20 jirada uu soo xulay Farmaajo oo walina ah shaqaale Dowladeed iyo Ciidanka Dowlada

Hadaba caawa Xarunta madaxtooyada waxaa ka jira wal walbadan oo keeni karo in uu Farmaajo kuwaayo Xilkiisa si sahal ah isagoon la gaarin muda xilaadkiisa madaama uu jira Culeys Caalami ah oo Gudaha iyo Dibada uga furan

Kooxaan mucaraadka iyo Maamul agoboleyada ayaa Doonayo in ay dhisaan Dowlad si loo bad baadiyo Dalka loogana baxo qal qalka siyaasadeed ee dalka ka jira

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here