HomeWarkiiMaamulka Puntland oo u soo jawaabay Wasiir Fiqi

Maamulka Puntland oo u soo jawaabay Wasiir Fiqi

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Maamulka Puntland Bille Qabowsade ayaa u soo jawaabay Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Axmed Macalin Fiqi kadib markii uu eedeymo culua u jeediyay Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/llaahi Deni.

Qoraalka Bille Qabowsade uu ugu jawaabay Wasiir Fiqi oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-

Wasiir Fiqi way muuqataa cabsida ay ka qabaan Madaxweyne Said Deni, waanna mid aad u sarreysa, laakiin waxaan odhan lahaa ” “Fiqiyoow Hal xaaran ah Nirig xalaal ah ma dhasho” Waqtigii sharciyada dowladda way dhamaatay Amar iyo nahyi midnna ma lihidin hadda shacabka Soomaliyeed ayaa ka mid tihiin.
Waxaadse ogaataan talladda dalka jiritaankiisa dowladeed lagu badbaadinayo Ummadda Soomaaliyeed ayey u taal

Waxaa ugu baaqaynaa ummadda Soomaaliyeed in laga wada shaqeeyo sidii talladda dalka looga arrinsan lahaa oo madaxda siyaasadda Soomaalida ee xal-doonka Qaran ah sida golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed loo garab istaagi lahaa, si doorasho heshiis lagu yahay uga dhacdo dalka..

Damaca kursi jaceylka yaanu dalka aroor qaldan ka ridin, horay ayey ummadda Soomaaliyeed u soo aragtay qarankoodii oo kufay 1991-kiiye, yaan dib loo celin rajada dowladnimada Soomaali.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -