MUQDISHO (DAYNIIILE.COM)-Maamulka cusub ee SSC Qaatumo ayaa si rasmi ah looga saaray liiska Maamul Goboleedyada ka qeybgalaya tartanka Kubada cagta oo la shaaciyay xiliga uu .

Xiririka kubada Cagta iyo Wasaarada Ciyaaaraha Dowlada Soomaaliya ayaa si wada jira u shaaciyeen waqtiga uu bilaabanaayo tartanka Maamul Goboleedyada.

Advertisement

29-ka bishaan ayuu furmayaa tartanka Kubada Cagta Maamul Goboleedyada sida lagu shaaciyay war qoraala oo wada jir uga soo baxay Wasaarada Ispoortiga Somalia iyo Xiriirka kubada Cagta Soomaaliya.

Tartanka waxaa ka qeybgalaya 5 maamul Goboleed kuwaasoo kala ah :-
Gobolka Banaadir
Jubaland
Hirshabelle
Galmudug
Koonfur-Galbeed

Wasaarada Isboortiga ayaa shaacisay in SSC Qaatumo ay uga reebeen kadib markii ay buuxin waayeen shuruudihii tartanka looga qaybgalaayay oo uu ka mid yahay inay  dhistaan Xiririka kubada cagta ee Qaatumo iyo Shuruudo kale.

Qoraalka ka soo baxay Xiririka iyo Wasarada Ciyaaraha waxaa lagu soo gabagabeeyay in tirada ciyaatoyda ka qeybgaleysa koox kasta la kordhiyay islamarkaana laga dhigay 25 halka hore uu ka ahaa 22 ciyaartoy.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

May be an illustration of text

Previous articleMadaxweyne Xasan oo Maanta Uganda ku saxiixaya ka mid noqoshada Dallada Bariga Afrika
Next articleXamaas oo sheegtay inay askar badan ka dileen Yuhuuda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here