HomeWarkiiMaamulka cusub ee Waqooyi bari Somalia oo markii ugu horeysay ka hor...

Maamulka cusub ee Waqooyi bari Somalia oo markii ugu horeysay ka hor yimid qorshe ay wado Dowlada Somalia.

LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Maamulka cusub ee Waqooyi bari Somalia ayaa markii ugu horeysay ka hor yimid qorshe ay wado Dowlada Somalia xili wali aan xitaa la dhisin baarlamaankii cusubkaa ee dooran lahaa madaxweynaha cusub ee maamulkaani yeelan doono madaama awal maamulku si kumeel gaara uu u leeyahay Madaxweyne.
Maamulkaani cusub oo dhismihiisa ay Dowladu hormuud ka tahay ayaa hadana Wasiirka Warfaafinta ee Maamulka cusub Waqooyi Bari wuxuu qaadacay maanta  go’aanka Dowlada ee shuruuda uga dhigaya dadka qaadanaya Baasaboorka inay marka horey qaataan kaarka aqoonsiga Somalinimada.
Wasiir Najiib Barkhad wuxuu si cad ugu tilmaamay qorshaha Dowlada mid gaf  ah kadib war ka soo baxay Hay’adda NIRA ee sameysa kaararka aqoonsiga Somalinimo.
“meel ka dhac weyn iyo gaf ayay  ku tahay muwaadiniinta Soomaaliyeed talaabada Dowladu qaaday” ayuu yiri Wasiir Najioib Barqadle .
Sidoo kale Wasiir Najiib Barqadle wuxuu carabka ku adkeeyay in halis ku tahay muwaadiniinta amaanada lagu amaaneystay
“in lagu jaan gooyo dano siyaasadeed oo xilli kooban soconaya halista Baasa-boorka soomaaliya aqoonsiga NIRA waxay halis ku tahay aaminaadda lagu aamini in hal gacan ahi hayso passport ka Somalia” ayuu mar kale yiri Wasiirka Warfaafinta Maamulka Waqooyio Bari Somalia.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COMSSC-Khtaatumo: Maxkamad ayaa la soo taagi doono maxaabiista Somaliland –  Puntland Post
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -