Advertisement

Maamulka Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in lagu ganacsado Xeebta Liido kaddib markii uu sheegay in ay goobahaas sababeen Saxmad iyo cariiri dhanka Xeebtaas oo loo dalxiis tago.

Advertisement

Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis Ruwayda Cabdi Cali oo sheegtay in sidoo kale goobahaas Ganacsi ee yaryar ay dhibaato ku yihiin dhanka Amniga maadaama dad badan ay u damaashaad tagaan Xeebta Liido.

Ruwayda ayaa sheegtay in aanay diiwaangasheen Ganacsigaas yaryar oo suuragal noqon karta in ay kasoo hoos dhashaan Dad ka shaqeyn kara dhibaatooyin ka dhan ah Xasiloonida iyo Dalxiista Xeebta Liido Degmada Cabdicasiis waa sida ay hadalka u dhigtay.

“Xeebta intaan ballaca la eg waad aragteen waxaa yimid illaa 40,000 (afartan kun) ama ka badan, waa xeeb dalxiis ee ma ahan mid Ganacsi, Ganacsigu waa dhisan yahay oo waa kuwaan Maqaayadihii iyo wixii oo dhan, maadaama Bulshadu sidaas nafis u tahay oo Amniguna ku jiro una taagan yihiin ciidamada” Ruwayda Cabdi Cali.

“Caqabadda jirta waxa ay tahay, waxaa jira Dad kusoo uruuray waayihii dambe, xeebtaan waxaa qabsaday Ganacsiyo aanay sharci ahayn oo shati haysan, meel ay ka diiwaangashan yihiin jirin iyaga oo caqabad ku noqday Amniga Xeebta & Is dhexgalka Bulshada, waxaa yimaada qof kasta oo xitaa garan-waaga ayaa ku dhex jira oo ku dhex dhuumaya” ayay hadalkeeda kusii dartay Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis.

Taliye ku xigeenka Qaybta guud ee Booliiska Gobolka Banaadir Cali Dhuux Mahad alla ayaa dhankiisa sheegay in digniin badan loo gudbiyay Dadka xeebta dhista isaga oo sheegay in ciddii kahor imaata digniintooda tallaabo laga qaadi doonno waa sida uu yiri.

Xeebtii loogu talagay in ay dadka ku leersadaan oo ku dalxiisaan oo qofkii biyaha kasoo baxa in uu fadhiisto loogu talagalay meel laga istaago ayaa la weynayaa, waxa aan uga digeynaa Dadka ganacsiga sharci darrada ah ku sameystay eeryada Biyaha badda loogu talagalay & goobaha nagu nasto in laga dhisto Ganacsi, qofkii Ganacsi raba meel ha kireysto” ayuu yiri Cali Dhuux.

Taliye ku xigeenka Qaybta guud ee Booliiska Gobolka Banaadir Cali Dhuux Mahad alla

Xeebta Liido waxaa ka dhisan Dhismo intooda badan ka sameysan Baco, Dhar & qoryo la isku xiray waxaana halkaas lagu iibiyaa shaaha, waxyaabaha macmacaanka ah, dadka dabaasha u taga xeebtaas ayaa looga kireeyaa Jaakadaha Dabbaasha halka dharkooda ay dhigtaan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here